Kullankii Sanadlaha ee Qurbajoogta Ganacsiga Xiisaysa

Event Attachments


Si ay u kala faa’ideystaan qurba joogta dalka ku samaysatay maalgalin wax ku ool ah iyo kuwa hadda danaynaya; Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed waxay abaabushaa kulan sanadle ah oo loo qabto qurba joogta ganacsiga danaysa.

Cabdi Abshir Dhoorre, Agaasimaha Rugta ayaa ka warbixiyay wax qabadka Rugta iyo muhimadda ay leedahay maalgashi dalka lagu sameeyo, kulankaas ooy ka soo qayb galeen in ka badan lixdan qof ayaa lagu lafa guray caqabadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo sida ugu fudud ee looga gudbi karo.

Maxamuud Cabdi Cali (Gabayre), Gudoomiyaha Rugta ayaa sidoo kale ku dhiirri galiyay ganacsatadi ka soo qeyb gashay kulanka inay maalgain wax ku ool ah ku samaystaan dalka, kana faa’ideystaan khibrada dadki kaga horreeyay hawsha.