Khubaro Ajaanib iyo Soomaali ah oo kawada hadlay Ganacsiga wadanka

Maanta waxaa la qabtaya kullan ay soo qabanqaabisay ENIGMA, ayna dhiirigelisay DP World oo looga wada hadlay ganacsiga soomaaliya xaaladiisa iyo waxyaabaha lalla qaban karo. waxaa hoosta laga xriiqay in Soomaaliya aysan marna ka maarmeeyn in la horumariyo ganacsiga oo badabaaday muddo dheer ayadoo dowlad aysan jirin,.
Saddeda qeeybood oo xooga lasaaray waxeey ahaayeen Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumeeysiga oo ah waaxyaha ganacsigooda aan weli xoog loo bilaabin , ayadoon marnaba laga tegin dhinacyada kale ee ganacsiga Soomaaliya sida Xawilaada, isgaarsiinta, iwm.
Waxaa kulanka ka hadlay kubaro kalla duwan oo Soomaaliya oo ka kala socday dowlada iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waxaa kaloo hadlay kullanka khubaro Ajaanib ah oo ka socday, Dubai Foreign Office, African Development Bank, Norwegian private Sector, Shuraako, ENIGMA, DP WORLD iyo kuwo kale.
Waxaa kullanka ka qeeybgalay gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo kuxigeenka waaxda ganacsiga Xoolaha, Shariif Axmed iyo Aamina Deeble.
Agaasimaha Rugta Ganacsig Soomaaliyeed, Mudane Abdi Abshi Dhoore, wuxuu kullanka ka sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn gargaar fara badan, balsa loo baahan yahay in hayadaha dhaqaalaha aduunku ula dhaqmaan soomaaliya sidii wadan aan lahayn awood maamul oo ku filan, jirin heeyadihii agaasinka, kuwii maaliyada oo shaqeeynaya, xaqiiqduna ay tahay in loo baahan yahay in Soomaaliya loola dhaqmo sida xaalada wadamada G7+, ama qaabka New Dealka ee wadamada sida East Timor, Ruwanda iyo kuwa kaloo badan ay kusoo kabteen.
Soomaaliya waxaa yaala dhaqaale badan, oo markaad eegto wadanka waxaa mudo maalgelinayay ganacsiga Soomaalida. Dhaqaalahaas iyo caalamka oo maalgashada lana falgala ganacsatada Soomaalida ayaa wadankan uu uga bixi karaa dib u dhaca weeyn ee ku dhacay, ayuu soo jeediyay agaasimaha Rugta Gnacsiga Cabdi Abshir Dhoore.
Waxaa soo cadaatay in Soomaaliya aysan sahal kusoo kabanayn hadii aan Soomaaliya lagu duldhisin ganacsiga oo badbaaday mudo dheer ayadoo dowladi jirin……Kulankaas oo ka dhacay Mgaalada Dubai, UAE