Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo Kulan la Yeeshay Ganacsatada Soomaaliyeed

News Attachments


Kulan ka dhacay xarunta dhexe ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ee uu Shir Gudoominayey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane  Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay isugu yimaadeen dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo Guddoomiyayaasha Rugaha Ganacsiga Gobolada dalka, Sida Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banadir, mudane Cabdirashiid Shire Ilqeyte, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland mudane Said Hussien Dirrie, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Koonfur Galbeed mudane Axmed Macalin Isaaq iyo Guddoomiyayaasha Waaxaha sida Guddoomiyaha Waaxda Beeraha mudane Mire Cusmaan Warsame, Guddoomiyaha Waaxda Xoolaha mudane Iimaan Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha waaxda Isgaarsiinta mudane Cabdulkhaadir, iyo ururada bulshada rayidka ah.

kulankaasi aya waxaa looga hadlay sidii  ganacsatada soomaaliyeed ay ugu qeyb gali lahaayeen EXPO MILANO  2015 May.(ITALIA) Kulankaasi ayaa waxa hadal ka jeediyey  Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre”, waxa uuna carabka ku dhuftay in si wanaagsan loogu diyaar garoobo EXPO MILANO May 2015. isagoo sidoo kale war baxin ka siiyey ganacsatada safarkii dhawaan uu ku soo maray dalka talyaaniga iyo kulamadii uu layeeshay masuuliyiinta dalkaasi gaar ahaan madaxda Rugta Ganacsiga Talyaaniga.

Qaar ka mid ah ganacsatada ka qeyb gashay kulankaasi oo hadal ka jeediyey  aya si weyn u soo dhaweeyey Booqashadii Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ay ku tageen dalkaasi Talyaaniga iyo kulamadii ay la qaateen dhigooda Ganacsatada Talyaaniga waxa ayna xuseen in ay ku faraxsanyihiin ka qeyb galka EXPO MILANO 2015 MAY,  ayna soo dhaweynayaan.