Hambalyo ku socota Madaxda la doortay ee Rugta Ganacsiga Puntland

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Cali’ Gabeyre’, Gudoomiyihii hore ee Rugta  Ganacsiga Puntland Mudane Saciid Xuseen Ciid, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Cabdirashiid Shire Ilqeyte oo shir Saxaafadeed ku qabtay Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay hambalyo iyo Taageero u dirayaan Gudoonka Cusub ee Rugta Ganacsiga Puntland oo
25-12-2014 lagu Doortay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaana ay u rajeeyeen Madaxda la doortay in Xilkaasi Alle la garab galo una fududeeyo Gudashada waajibaadkooda.
Masuuliyiintaan ayaa Tilmaamay in Doorashadii Rugta Ganacsiga ee ka Qabsoontay Boosaaso ay ku dhacday hab Cadaalad iyo dimuqraadi ku dhisan Taasoo loogu Doortay Gudoomiye iyo 2 Gudoomiye Ku xigeen oo kala ah,Mudane Cabdiraxmaan Warsame Jaamac, Mudane Maxamed Ceydiid Jaamac.iyo Mudane Maxamed Cabdi Waabari.
‘ Waxaan Oran karaa Habkii saxda ahaa ayey Mareen oo Horay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed  u Hirgalisay,waana soo dhaweyneynaa  madaxda Cusub ee Loo doortay Rugta Ganacsiga Puntland’ayuu yiri Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Gabeyre.