International Expo 2015, Milan: Somalia way ka qayb-galee, sidee?

News Attachments


Milano-Italy: Somalia oo ka Qaybgalaysa Carwada Caalamiga: Milan, 2015. Wafdi ka kooban Wasaarada Ganacsiga oo Wasiirku hogaaminayo iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed/SCCI oo Gudoomiyaheedu hogaaminayo ayaa booqday Goobta Carwada caalamiga ah loo dhisayo, soona arkay dhulka loo dhisayo ganacsatada Soomaaliyeed si ay carwada uga qayb galaan, Milan, 2015.

Wasiirka ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga waxay la kulmeen Studio Commercialista – Law Firm: Pontoni & Partners, Bartamaha magaalada Milan, wiilkiisa oo jaamacada ugu caansan wadanka Talyaaniga wax ka dhiga, saaxiibadiis, waxayna diyaar u yihiin inay ka caawiyaan ganacsatada Soomaaliyeed sidii ay Carwada iyo hoowlaheeda ugu diyaar garoobi la haayeen, iyo haday ka helaan inta Carwada Socoto heshiisyo ganacsi inay ka caawiyaan dhaqangalintooda.