Kulan Sedex Geesood Ah Oo Dhexmaray Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarasha Iyo Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed.

News Attachments


Kulan looga hadlayey sidii xirfado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada soomaaliyeed oo ay ka qeyb galeen Warsaaradaha Arrimaha Bulshada, Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Iyo Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo qeybo mataleyey ururada bulshada iyo kuwo bixiyo tababarada dhalinyada ee ka jira muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xarunta Rugta Gancisga Iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee magaalada Mogadishu.

Shirkaan oo si heer sare loo soo agaasimay waxa furitaankiisa hadal ka jeedieyey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga  iyo Warshadaha mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” waxaana uu mahad celin ka dib uu sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado doorka xirfadleyda soomaaliyeed isagoo xusay in ay muhiim tahay xil iska saarida arintan si looga kaaf toomo ku xirnaansho shisheeye.

Gudoomiyuhu waxa uu carabka ku dhuftay in marka lala yimaado isla tashi iyo midnimo lagu guuleysan karo danta guud iyo hadafka la hiigsanayo isagoo ku baaqay in la abuuro xirfadlayaal tababaran iyo macalimiin soomaaliyeed oo bixinaya tababarka.

Agaasimaha Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Aweys Xadaad oo isaguna kulankaasi hadal ka jeediyey waxa uu ka waramay ahmiyada shirkani huwan yahay isagoo tilmaamay in koonfurta soomaaliya ay ka gaabisay fulinta wacyigelinta dhalinyarada. Halka Maamulada Puntland iyo Somaliland horumar wanaagsan ay ka sameeyeen tababar siinta dhalinyaradooda, si ay u helaan xirfado shaqo oo ay wax ku qabsadaan.

Agaasime Xadaad waxa uu halkaasi ka aqriyey qodobada ajendaha :

  1. Abuuritaanka sharciga la horgeynayo Golaha Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka.
  2. Gudi soo habeeya qaabka loo wada shaqeyn karo
  3. In la sameeyo Board
  4. In la abuuro qaab wax barasho
  5. In la bixiyo shahaado lagu mideysanyahay lana aqoon sanyahay
  6. In dadka la baro sida loogu xiri karo shaqada
  7. In lasameeyo jadwal xaga kulamada ah
  8. In lahelo meel lagu shiri karo
  9. In la sameeyo barnaamij shaqo abuurid madax banaan
  10. In laga faa iideysto tababarada lana xoojiyo wada shaqeynta

Kulankan ayey ka qeyb galayaashu isku weydaarsadeen fikrado kala duwan oo taabanayey mowduuca laga hadlayey, waxaana ugu danbeeyntii  halkaasi lagu kala magacaabay laba guddi oo kala ah.

  1. Guddiga diyaarinta ajendayaasha shirarka oo ka kooban 5 xubnood
  2. Guddiga baaritaanka sharciyadii hore u jiray iyo sida loo sameynayo sharciga lagu hormarinkaroTVET Somalia kaasoo ka kooban 11 xubnood oo ka kala socda wasaaradda arrimaha bulshada, wasaaradda wax bahrashada, rugta ganacsiga iyo warshadaha soomaaliyeed,  ururada bulshada rayidka ah iyo ururada tababarada bixiya.