Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliyeed

News Attachments


Safiirka Dalka Turkiga ujooga Soomaaliya oo soo booqday xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed/SCCI. Waxaa laga wadahadlay sidii ganacsiga 2-dal u wada jaan qaadi lahaayeen Danjire Olgen Bekar oo kulankaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliyeed Casuumada ay u fidiyen waxaana uu Hoosta ka xariiqay in Dowladiisu diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi laheyd dalka Soomaaliya una Tagaeeri Laheyd Howlaha ganacsi ee ka socda wadanka.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Cali’ Gabeyre’ oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  amaanay Doorka waxqabad ee Dowlada Turkiga.