Agaasimaha Fulinta Bangiga Adduunka uqaabilsan Afrika  oo manta soogaaray magaaladda Muqadisha

Dr. Zarau Wendeline Kibwe oo ah Agaasimaha fulinta Bangiga Aduunka u qaabilsan wadamadda Afrika Sub-Sahara oo tiradoodu tahay 22 (oo ay ku jiraan Soomaaliya, Tanzania, Kenya,) oo uu wehliyo La-Taliyaha dhanka sharciyada qaaraddda Mudane Maxamed Bashiir, ayaa soogaaray magaaladda Mogadishu waxaana uu kulan laqaateen qeybo kamid ah waaxaha kala duwan ee Rugta Gnacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Kulanaasi oo ahay mid diiradda lagu saarayay sida hey’adda IFC ay Beeraleyda, Xoolaleyda, Kallumesata, iyo Bangiyada Soomaaliyeed uga caawin laheed Maalgashiga dhinaca ganacsiga gaarka loo leeyahay.

 

Kulankaani ayaa lagaga wada hadlay caqabadaha Maalgashiga Beeraha,Xoolaha, Kaluumeysiga, Korontada iyo Guud ahaan caqabadaha Maalgashiga Bangiga Aduunku ay Ganasatada Soomaaliyeed ku qabaan. Prof Isse M Xalane ayaa ka hadlay guud ahaan baaxadda Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed. Iyo siyaasadda Rugta Gnacsiga ee ku abaaran ganacsiga gaarka loo leeyahay, sida qorsha yaasha homarinta ganacsiga gaarka looleyahay 5sano ee soosocoto ilaa 2060ka.  

 Intaas kadib waxaa laga dooday caqabdaha midmid u heysta waaxaha kuala duwan ee kulanka kaso qeyb galay, iyo guud ahaan caqabadaha ay kala kulmaan Bangiyada Dalka, dulsaarka, iyo Soocelinta deymaha, marka ay maalgalin u baahdan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci