admin
Rugta oo ka Qayb Gashay Shirka Xoojinta Kaalinta Ganacsatada ee Horumarinta Dhaqaalaha




Mayor St. Louis Park Naadiya Maxamed, oo Booqatay Rugta Ganacsiga

Aqoon Is-weydaarsiga Ururrada Bariga Afrika (Geneva iyo Belgrade, 6–10 Luulyo 2026)

Rugta Ganacsiga oo ka qayb Gashay Bandhiga waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran.
Xaflad balaaran oo lagu soo Bandhigayey wax-qabadka (2022-2025) ee Xukuumadda Dan-qaran oo kadhacday Magaaalada Muqdisho. Ayaa waxaa kaso qayb galay madaxda ugu sareysa dalka oo ugu horeeyo Madaxweynaha qaranka Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, Xildhibaano, Golaha wasiiradda oo uu hogaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo Ganacsato ay hogaaminayan Guddonka sare ee Rugta Ganacsiga, iyo Bulshada qaybaheeda kaladuwan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, ayaa tilmaamay guulaha muuqda ee xukuumaddu ay ka soo hooysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ay ku mideysan yihiin.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda. Xukuumadda Dan Qaran waxa ay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed. “Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah shuruucdii oo la hagaajiyey, midnimo iyo wadajir”.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamud Cabdi Cali ‘Gabeyre’ oo kamida masuuliiyinta gobta ka hadashay ayaa Bogaadiyey Waxqabadka Wanaagsan ee Xukuumadda Dan-qaran waxa una Hambalyo ku aadan Bandhigga Waxqabadkaasi Mudadda Sadaxda Sano ah ku amaanay Wasaaradaha Kala Duwan ee Xukuumadda Dan-qaran.





Chairperson of EABC Strengthens Ties with Somali Chamber of Commerce and Industry
The Somali Chamber of Commerce and Industry (SCCI) had the honor of receiving Mr. John Lual Akol, Chairperson of the East African Business Council (EABC), during his recent visit aimed at renewing and strengthening relations between the two institutions.
During the discussions, Chairperson Akol reaffirmed his commitment to fostering closer collaboration and encouraged SCCI to apply for positions on the EABC Committees, where opportunities are available for Somali representation. He expressed his willingness to work closely with the Somali business community to enhance regional integration and cooperation.
The SCCI leadership expressed gratitude for his encouragement, thoughtful feedback, and constructive proposals. Both parties pledged to work together under the Chairperson’s leadership to advance regional integration and promote greater private sector collaboration across East Africa.
The Somali Chamber of Commerce and Industry look forward to building on this renewed partnership to strengthen the role of Somali businesses within the East African region.
























