















Hay,adda Siyaasadda dhaqaalaha Qaranka “National Economic Council (NEC) ayaa qabatay, madasha 7aad ee golaha dhaqalaha qaranka, munaasabadda ayaa waxa furay Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Waxaana kaso qayb galay, Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka, Wasiiro, Safiirka dalka Talyaaniga, Madaxa hey,adda WFP ee Soomaaliya, iyo Ganacsaato ay hogaaminaayaan madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” Ku biiristii EAC, waxa ay Ganacsatadeena u badashay in ay ku saleeyaan ganacsigooda cilmibaaris. Hadda waxii ka danbeeyo Ganacsatadeenu waxa ay ujeesan doonan sidii lo hormarin lahaay wax soo saarka dalka si dhaqaalaha kor loogu qaado.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo Bandhigay Mashruuca Nagaad wajigiisa 1aad, Mashruucaani ayaa ah mid lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) iyo Wax-qabadka howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.