Events
Rugta Ganacsiga oo ka qayb Gashay Bandhiga waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran.
Xaflad balaaran oo lagu soo Bandhigayey wax-qabadka (2022-2025) ee Xukuumadda Dan-qaran oo kadhacday Magaaalada Muqdisho. Ayaa waxaa kaso qayb galay madaxda ugu sareysa dalka oo ugu horeeyo Madaxweynaha qaranka Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, Xildhibaano, Golaha wasiiradda oo uu hogaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo Ganacsato ay hogaaminayan Guddonka sare ee Rugta Ganacsiga, iyo Bulshada qaybaheeda kaladuwan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, ayaa tilmaamay guulaha muuqda ee xukuumaddu ay ka soo hooysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ay ku mideysan yihiin.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda. Xukuumadda Dan Qaran waxa ay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed. “Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah shuruucdii oo la hagaajiyey, midnimo iyo wadajir”.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamud Cabdi Cali ‘Gabeyre’ oo kamida masuuliiyinta gobta ka hadashay ayaa Bogaadiyey Waxqabadka Wanaagsan ee Xukuumadda Dan-qaran waxa una Hambalyo ku aadan Bandhigga Waxqabadkaasi Mudadda Sadaxda Sano ah ku amaanay Wasaaradaha Kala Duwan ee Xukuumadda Dan-qaran.





MUNAASABADDA FURITANKA GODOL MARKET
Waxaa manta Magaaladda Muqdishu laga daah-furay Godol Market, oo ah suuq caalami ah, ayna u dhameestiran yahiin agabyadiisa ganacsi, kuna yaalla Dagmadda Warta Nabada,
xaffadda xamar Jadiid. Munaasabaddani ayaa waxaa kaso qayb galay, Xildhibaano, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Mudane Cumar Cali Cabdi, Guddoomiyaha Dagmada Warta Nabada Mudane Liiban Cali Maxamed, Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambi”.
Dhamaan masuuliyiinta kulanka kasoo qayb gashay ayaa bogaaddiyay furitanka suuqa cusub ee Gobol Market. Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Mudane “Galambi” oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay furitanka suuqa Gobol Market “Guud ahaan Ganacsatadu waxaa ay mal-mahaan sigaar ah uga qeyb qaadanayaan shaqa abuurka, iyo guud ahaan horumarka dhaqaalaha dalka, suuqanina waxa uu ka mid yahay suuqyada casriga ah ee caasimadda ku soo kordhay”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/
@somaliacci
https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/
https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/
https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI
https://twitter.com/somaliacci








DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN EE 2060
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060, waxaana munaasabadda daah-furka kaso qeyb galay qaar kamida Xildhibaanada Golaha labada aqal, qaar kamid ah Golaha Wasiiradda oo uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Safiirada Dalaka Turkya, Talyaaniga, Safiirka Midowga Yurub, iyo sii-hayaha ahna ku xigeenka Safiirka Mareykanka, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda, Wasiirka Maaliyadda Jabbuuti, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” iyo bulshada Rayadka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii horumarka iyo guusha “Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri”. Ra’iisul Wasaare Xamsa” Xukuumadda, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, dhammaanteen waxaan ka wada shaqeyn doonaa gaarista hiigsiga 2060, inaga oo ka bilaabeyna Qorshaha NTP”.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane “Gabayre” ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed in ay lajaan qaadikaraan Hiigsiga Qaran, iyaga oo maal-gelin ku sameynaayo Warshadaha, wax-soo saarka Beeraha iyo Kaluumeysiga si ay gacan uga geystaan xaqiijinta yoolalka la hiigsanaayo 2060-ka








LAUNCH OF THE NATIONAL VISION 2060
The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, officially launched the National Vision 2060. The launching ceremony was attended by some members of both Houses of Parliament, members of the Council of Ministers led by the Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E. Hamza Abdi Barre, the Ambassadors of Türkiye and Italy, the Ambassador of the European Union, the Chargé d’Affaires and Deputy Ambassador of the United States, the Regional Director of the World Bank for Kenya, Rwanda, Somalia, and Uganda, the Minister of Finance of Djibouti, and business leaders led by the Chairman of the Somali Chamber of Commerce and Industry, Mr. Mahmoud Abdi Ali “Gabayre,” alongside members of the civil society.
The President of the Federal Republic of Somalia stated that Somalia has embarked on the path of progress and success, saying: “Today, we have chosen to move beyond despair and turn toward creativity and collaboration. This vision is a bridge between today and tomorrow, the legacy we leave today and the prosperity we seek for the future.”
Prime Minister Hamza Abdi Barre also emphasized that the government, business community, and all sectors of society will work together to achieve Vision 2060, starting with the National Transformation Plan (NTP).
The Chairman of the Somali Chamber of Commerce and Industry, Mr. “Gabayre,” stated that Somali entrepreneurs are ready to align with the National Vision by investing in industries, agricultural production, and fisheries to contribute to achieving the goals of Vision 2060.












SHIRKA URURADA CAALAMIGA AH EE RUGAHA GANACSIGA (WCF) OO KA DHACAY NAIROBI, KENYA
Daah-furka Qorshaha isbeddelka Qaranka (2025-2029)
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamze Abdi Barre, ayaa daah furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), oo ay soo qaban qaabisay, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS. Waxaana kaso qayb galay Wasiiro, Safiirka Safaaradda Talyaaniga, Hay’addo kala duwan, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Galambi.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka oo qoraalkiisu socday in muddo ah, ay diyaariyeen in ka badan 400, oo qof, oo isugu jira khubaro iyo masuuliyiin dowladeed, kaasi oo beddelay Qorshihii hore ee Horumarinta Qaranka NDP9, waxaana uu xoogga saarayaa qaabkii dalku u gaari lahaa horumar la taaban karo shanta sano ee soo socota.
Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galaambi” oo kamid ah masuuliinta goobta ka hadashay ayaa soo dhaweyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), waxaana uu tilmaamay in loo bahan yahay in la dar-dar galiyo, ka ganacsato ahaane in ay diyaar u yahiin ka qeyb qaadashadiisa iyo dhaqan galintiisa.





GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAHA QARANKA KENYA – KNCCI OO MANTA MAGALADA MOGADISHU SOOGAARAY.





















