News
Mayor St. Louis Park Naadiya Maxamed, oo Booqatay Rugta Ganacsiga

Aqoon Is-weydaarsiga Ururrada Bariga Afrika (Geneva iyo Belgrade, 6–10 Luulyo 2026)

Rugta Ganacsiga oo ka qayb Gashay Bandhiga waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran.
Xaflad balaaran oo lagu soo Bandhigayey wax-qabadka (2022-2025) ee Xukuumadda Dan-qaran oo kadhacday Magaaalada Muqdisho. Ayaa waxaa kaso qayb galay madaxda ugu sareysa dalka oo ugu horeeyo Madaxweynaha qaranka Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, Xildhibaano, Golaha wasiiradda oo uu hogaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo Ganacsato ay hogaaminayan Guddonka sare ee Rugta Ganacsiga, iyo Bulshada qaybaheeda kaladuwan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shekh Maxamud, ayaa tilmaamay guulaha muuqda ee xukuumaddu ay ka soo hooysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ay ku mideysan yihiin.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda. Xukuumadda Dan Qaran waxa ay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed. “Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah shuruucdii oo la hagaajiyey, midnimo iyo wadajir”.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamud Cabdi Cali ‘Gabeyre’ oo kamida masuuliiyinta gobta ka hadashay ayaa Bogaadiyey Waxqabadka Wanaagsan ee Xukuumadda Dan-qaran waxa una Hambalyo ku aadan Bandhigga Waxqabadkaasi Mudadda Sadaxda Sano ah ku amaanay Wasaaradaha Kala Duwan ee Xukuumadda Dan-qaran.





Chairperson of EABC Strengthens Ties with Somali Chamber of Commerce and Industry
The Somali Chamber of Commerce and Industry (SCCI) had the honor of receiving Mr. John Lual Akol, Chairperson of the East African Business Council (EABC), during his recent visit aimed at renewing and strengthening relations between the two institutions.
During the discussions, Chairperson Akol reaffirmed his commitment to fostering closer collaboration and encouraged SCCI to apply for positions on the EABC Committees, where opportunities are available for Somali representation. He expressed his willingness to work closely with the Somali business community to enhance regional integration and cooperation.
The SCCI leadership expressed gratitude for his encouragement, thoughtful feedback, and constructive proposals. Both parties pledged to work together under the Chairperson’s leadership to advance regional integration and promote greater private sector collaboration across East Africa.
The Somali Chamber of Commerce and Industry look forward to building on this renewed partnership to strengthen the role of Somali businesses within the East African region.




MUNAASABADDA FURITANKA GODOL MARKET
Waxaa manta Magaaladda Muqdishu laga daah-furay Godol Market, oo ah suuq caalami ah, ayna u dhameestiran yahiin agabyadiisa ganacsi, kuna yaalla Dagmadda Warta Nabada,
xaffadda xamar Jadiid. Munaasabaddani ayaa waxaa kaso qayb galay, Xildhibaano, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Mudane Cumar Cali Cabdi, Guddoomiyaha Dagmada Warta Nabada Mudane Liiban Cali Maxamed, Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambi”.
Dhamaan masuuliyiinta kulanka kasoo qayb gashay ayaa bogaaddiyay furitanka suuqa cusub ee Gobol Market. Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Mudane “Galambi” oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay furitanka suuqa Gobol Market “Guud ahaan Ganacsatadu waxaa ay mal-mahaan sigaar ah uga qeyb qaadanayaan shaqa abuurka, iyo guud ahaan horumarka dhaqaalaha dalka, suuqanina waxa uu ka mid yahay suuqyada casriga ah ee caasimadda ku soo kordhay”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/
@somaliacci
https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/
https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/
https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI
https://twitter.com/somaliacci








DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN EE 2060
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060, waxaana munaasabadda daah-furka kaso qeyb galay qaar kamida Xildhibaanada Golaha labada aqal, qaar kamid ah Golaha Wasiiradda oo uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Safiirada Dalaka Turkya, Talyaaniga, Safiirka Midowga Yurub, iyo sii-hayaha ahna ku xigeenka Safiirka Mareykanka, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda, Wasiirka Maaliyadda Jabbuuti, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” iyo bulshada Rayadka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii horumarka iyo guusha “Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri”. Ra’iisul Wasaare Xamsa” Xukuumadda, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, dhammaanteen waxaan ka wada shaqeyn doonaa gaarista hiigsiga 2060, inaga oo ka bilaabeyna Qorshaha NTP”.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane “Gabayre” ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed in ay lajaan qaadikaraan Hiigsiga Qaran, iyaga oo maal-gelin ku sameynaayo Warshadaha, wax-soo saarka Beeraha iyo Kaluumeysiga si ay gacan uga geystaan xaqiijinta yoolalka la hiigsanaayo 2060-ka
































