Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamze Abdi Barre, ayaa daah furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), oo ay soo qaban qaabisay, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS. Waxaana kaso qayb galay Wasiiro, Safiirka Safaaradda Talyaaniga, Hay’addo kala duwan, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Galambi.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka oo qoraalkiisu socday in muddo ah, ay diyaariyeen in ka badan 400, oo qof, oo isugu jira khubaro iyo masuuliyiin dowladeed, kaasi oo beddelay Qorshihii hore ee Horumarinta Qaranka NDP9, waxaana uu xoogga saarayaa qaabkii dalku u gaari lahaa horumar la taaban karo shanta sano ee soo socota.
Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galaambi” oo kamid ah masuuliinta goobta ka hadashay ayaa soo dhaweyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), waxaana uu tilmaamay in loo bahan yahay in la dar-dar galiyo, ka ganacsato ahaane in ay diyaar u yahiin ka qeyb qaadashadiisa iyo dhaqan galintiisa.















