DHAGAX DHIGGA GAROONKA CASRIGA AH EE MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. waxaana munaasabadda dhakaxdhiga kaso qeyb galay, xildhibano ka tirsan labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya, Wasiiro uu hogaaminayey Wasiirka Ganacsiga, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Agaasimaha duulista iyo Gaadiidka, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre”

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka, gaar ahaan dhanka duulista hawada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid casri ah oo si buuxda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in mashruucan oo ay hirgelin doonto shirkad Soomaaliyeed uu muujinayo dib u kabashada dalka iyo awoodda shacabka Soomaaliyeed.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane “Gabayre” oo kamid ah masuuliyinta goobta ka hadashay ayaa timaamay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar uyahiin ka qeyb qaadashada dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci