Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galambi” ayaa xarunta Rugta Ganacsiga ku qaabilay Ganacsatada Dhoofka iyo Soodajinta Gobolka Banaadir, oo ay hormuud ka a hayeen Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Guddomiyaasha Suuqyada, kuwaasi oo cabasho ka ahay kala sareynta Canshuraha Dakadaha dalka, iyo in aan badeecadaha Dakadda Muqdisho aan la garsiin karin wax kabaxsan, deeganada ku xeeran Gobolka Banaadir, halka Dakadaha kale ay soo garaan Magaaloyinka Jowhar iyo Baydhabo, waliba ayaga oo ka qiima jaban.
Ganacsatadaani ayaa sheegtay in ay waligood ahayeen kuwa Canshuur iyo Deeq bixiyaal intaba iskugu jira, hadana ay Canshuurta in ay bixiyaan diyaar uyahiin balse ay rabaan in lamideeyo Canshuuraha gaar ahaan kuwa Dakadaha Dalka kajira, lana cadeeyo Canshurta 5% cidda ay tooska ugu dhaceyso oo laga rabo.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane “Gabaire” ayaa Ganacsatada uga mahad celiyay sida ay mar waliba uga qayb qataan hormarka dalka, ka qayb qaadashada gurmadka musiiboyinka, abaaraha, iyo Dhisma-yaasha wadooyinka. “Cabashadiina waxaan ka geysan doona gacan, aniga oo la kaashanayo madaxda sare ee Dowladda”.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci