Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mundane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku- Xigeenka Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyo Guddomiyaha Waxda Xoolaleyda, ayaa la kulmay xubno katirsan, Xoolaleyda dalka, kuwasi oo cabasho ka qabay hanaanka wadashaqeynta dhoofka Xoolaha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, oo ay horay ula soo kulmeen xubnahaani, ayaa cabashadooda kuso celiyay in mamulka Rugta Ganacsigu uu so xaliyo.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane “Gabeyre” oo dhageystay cabashadda ay xubnahaani qabaan, ayaa ugu danbentii gudi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Waxda Xoolaleyda mudan Iman Maxamed Cali u xilsaaray.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci










