Ganacsato uu hogaaminayo Guddomiye Ku-Xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane “Galaanbi” oo ka qeybgalay xuska 10-sano Guurada Dib-u-nooleynta Xiriirka

Ganacsato uu hogaaminayo Guddomiye Ku-Xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane “Galaanbi” ayaa ka qeybgalay xuska 10-sano Guurada Dib-u-nooleynta Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Saaxibtinimo ee Soomaaliya iyo Turkiya, Taasi oo ku beegan 19-08-2011 Markii uu dalka Soomaaliya soogaray Ra’iisul Wasaarihii Dalka Turkiya hadana ah Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.

 

Munaasabadaan oo ay kasoo qeyb-galeen Madax kala gedisan oo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu sareeyay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Danjireyaal, Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Turkiya iyo mamulka sare ee rugta ganacsiga Marti Sharaf kale.

 

Guddomiye Ku-Xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Abdirahman Abdullah Adam “Galaanbi” ayaa kaga Mahadceliyay Dowladda Turkiya gacanta ay ka geysteen hormarinta howlaha ganacsiga, iyo xariirka sojirenka ah ee kal dhaxeeyo ganacsatada dalka.