Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane (Gabeyre) ayaa ka qayb-galay Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen ardey dhameysatay waxbarashada heerka 2-aad ee Jaamacadda Hormuud.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali (Gabeyre) ayaa ka qayb-galay Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen ardey dhameysatay waxbarashada heerka 2-aad ee Jaamacadda Hormuud.

 

 

Munaasabadan ayaa ka dhacday, Hotel Shamo ee magaaladda Muqdisho, waxana ka soo qayb-galay, Agasimaha Caafimadka Gobolka Banaadir, Gudomiyaha Rugta Ganacsiga, Gudomiyaha  Shirkadda Hormuud, Waalidiinta ardayda, iyo marti sharaf kale.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane (Gabeyre) oo goobta ka hadlay ayaa ganacsatadda soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaag uu muujiyaan ardayda, si ay dhiri galin ugu naqato ardayda kale ee hadda wax barashadda ku guda jira. Sidokalane waxa uu dhanka kale baaqay ujeediyay ardayda in ay naqdaan dad hool kar ah oo aysan shaqoyinka qaar aysan yasin.