Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane (Gabeyre) ayaa ka qeyb galaya Bandhiga Haweenka Ganacsiga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane (Gabeyre) ayaa ka qeyb galaya Bandhiga Haweenka Ganacsiga Soomaaliyeed.

 

Ganacsato uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane (Gabeyre) ayaa ka qeyb galaya Bandhiga Haweenka Ganacsiga Soomaaliyeed.

 

Bandhigaani ayaa si wada jir ah waxaa uso qaban qaabiyay, Gudoomiyaha xafiska haweenka ee Rugta Ganacsiga, Marwo Xirsiyo Cabdulle Siyaad, iyo Somali Trade show, waxana kaso qeyb galay marwada kowaad Marwo Zeynab Cabdi Macalin, iyo qaar kamid ah ganacsatada dalka, Bandhigaani ayaa hawenka ganacsiga yar yar ayey kusobandhigeen hal abuur ganacis oo kala duwan.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali (Gabeyre) Ayaa sheegay in ay mar waliba ay garab tagan yahiin ganacsatadda her waliba oo ay yahiin, sido kale waxa uu ganacsatadda ka-soo qeyb gashay kula dar-daarmay in ay kordhiyaan hal abuurka fikradaha ganacsi, si dalku uu ugaaro isku filnaan ganacsi iyo horumar.