Kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Moqadishu

News Attachments


Kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Moqadishu ayaa waxaa ka qeeyb galay ganacsato kala duwan oo ay hogaamineyeen Mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed waxaana diiradda lagu saraay xeer-nidaamiyahii lagu dhaqan-gelinayey sharciga shirkadaha Soomaaliya oo ay Wasaaraddu soo diyaarisay iyada oo la kaashanaysa hay’adda IFC iyo weliba xafiiska sharci-yaqaanada ee Muqdisho.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in sharciga shirkadaha iyo xeerkaniba ay ahmiyad weeyn u lee yahan fududeynta adeega ganacsiga iyo maal-gashiga; diiwaan-gelinta shirkadaha; xogta ganacsiga; fursadaha maal-gashiga iyo wixii la mid ah. Waxa kale oo uu sheegay in uu muhiimad u leeyahay xeerinta iyo kala hagidda maamulka shirkadaha ganacsiga, xuquuqda maal-gashadaha iyo milkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga, dhiiri-gelinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo soo-jiidasho maal-gashi, shaqo-abuur iyo weliba kobcinta dhaqaalaha.
Dhanka kale waxaa magaca ganacasatada soomaaliyeed ku hadlay Gudoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Mudane Cabdirashiid Cali Caynaanshe asagoo aad ubogaadiyay sharciga shirkadaha iyo xeerkaniba in ahmiyad weeyn u lee yahan fududeynta adeega ganacsiga iyo maal-gashiga dalka.