Maamulka Rugta Ganacsiga oo ka qeyb galay Xaflada Furitaanka Dhismaha Dahab Tower.

News Attachments


Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga mudane Maxamud Cabdi Cali (Gabeyre) ayaa manta ka qeyb galay Xaflada Furitaanka Dhismaha Dahab Tower.

 

Munaasabadan ayaa ka dhacday, Hotelka Decale ee magaaladda Muqdisho, waxana ka soo qayb-galay, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xildhibaanadda labada aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo marti sharaf kale.

 

Maamulka Shirkadda Dahabshiil Group ayaa shegay sidatan “Waa markii ugu horeysay ee dhisma nuucan ah Muqdisho laga hanaqaado, waxana dhismahaan taaba galin doonto shirkadda Dahabshiil Group, dhismahaan ayaa ka kob naan doono 25  qeybood oo iskugu jirta qeyba deegan ah iyo suuqman casri ah, kaasi oo aanan horay magalka loga her galinin”

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga mudane ” Gabeyre ” oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ganacsatadu mar waliba ay utagantahay hor marinta bilicda magaaladda Muqdisho si ay ula tartanto caasimadaha adunka.