Mudane (Gabeyre) Caabuqa COVID19 waxaa uu sameeyay guud ahaan ganacsiga qeybahiisa kala duwan gar ahaan. qeybaha Diyaaradaha, Shidalka, Bankiyada, Xawaladaha, Soodajinta, iyo Hoteladda.

 

Ganacsato uu Hogaaminaayo mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa manta ka qeyb galay Madal Caafimaad oo ay soo qaban-qaabiyay Agaasinka Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

 

Madashaan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Madax kala gedisan oo ka kala socday Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyadda, Dhalinyarada & Isboortiga, Ganacsiga, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Madashaan ayaa waxaa diirada lagu saaray saameynta Caabuqa COVID19 uu ku yeeshay dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir, iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

 

 

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga mudane Maxamud Cabdi Cali (Gabeyre) oo banalka ka haddlay ayaa sheegay in uu saameynta Caabuqa COVID19 ganacsiga guud ahaan, balse uu aad usameyay, qeybaha Diyaaradaha, Shidalka, Bankiyada, Xawaladaha, Soodajinta, iyo Hoteladda.