Shirka WCF Africa Summit 2025, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Caalamiga ah ee Rugaha Ganacsiga (WCF), Rugta Caalamiga ah ee Ganacsiga (ICC), iyo Rugta Qaranka ee Gacansatada dalka Kenya (KNCCI), ayaa lagu qabtay Radisson Blu Hotel, Upper Hill, Nairobi, Kenya.
Shirkaani oo ahay shir heer caalami ah ayaa waxaa ka qayb galay khar kamid ah hoggaamiyeyaasha Ganacsiga aduunka, Maal-gashadayaasha kala duwan, iyo mas’uuliyiinta dowladaha ee ka kala socday in ka badan 70 waddan oo ka kala yimid caalamka daafahisa. Ujeeddada shirka ayaa ahaay xoojinta koritaanle dhaqan dhaqaalaha ee Afrika, iyo iskaashiga ganacsi maal-gashi.
Munaasabadda ayaa waxaa furay, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto waxaa uuna kajeediyay khudbad dhiirrigelin leh, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee Rugaha Ganacsiga ay ku leeyihiin kor u qaadista is-dhex-galka ganacsi ee qaaradda. “Rugaha Ganacsigu waa lama huraan sababtoo ah waxay keenaan aragti wax-ku-ool ah oo xal-doon ah, waana buundooyin muhiim ah oo isku xira dowlad iyo ganacsi—waxayna ka caawiyaan ganacsatada fahamka khataraha, helitaanka fursado, iyo u helitaanka suuqyada caalamka. Dadaalkooda iyo garab istaaggooda waxay dhiirrigeliyaan ganacsatada maxalliga ah inay si caalami ah u fikiraan oo si geesinimo leh u dhaqmaan,”
Agaasime ku Xigeenka Rugta Ganacsiga prof Ciise M Xalane oo qeyb ka ahaa Shirka khaaska ah ee madaxda Rugah ee ay isugu yimaaden. Sidookale loo doortay xubin kamid ah guddi farsamo oo loo xilsaarey inay soo falanqeeyaan sidii loo abuurilahaa Rugaha Afrika inay ku midoobaan hal Rug oo matasha qaaradda oo dhan.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci








