Kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah iyo bahda ganacsatada Soomaaliyeed oo ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta oo manta ka furmay magalaada Mogadishu.

Kulankaani ay waxaa so qaban qaabiyay wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, waxana diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah iyo bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta, waxana kaso qayb galay xubno ka socday wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo uu hogaminaya wasiir Axmed Macalin Fiqi, Ganacsata ay hoggamineysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Bulshadda Rayidka ah, Culumaa’udiinka, iyo hawaanka qaranka.

Guddomiyaha Bulshadda Rayidka mudane shaatax oo kamid ahaay masuliyinta kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay arinka heshisinta muddo kuso jireen, daraasado kala duwan ay kasameeyeen ka bulsha Rayid ahaane ay aad uso dhaweynayaan in wasaaraddu manta qaadatay halka waqtiyadi hore diradda lasari jiray howlaha Aminga.

Dhnka kale Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman “Galanbi” ayaa sheegay in ganacsatadu ay mar waliba yahiin kuwa hashiis ah logana soo gudbay daruufihi adkaay ee dalka somaray hashiskoodda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, oo kulaka soo xeray ayaa ugu horreyntii waxaa uu ka hadlay ahmiyadda kalsooni dhisidda ee u dhaxeysa dowladda federaalka ah, dowlaha xubnaha ka ah iyo guud ahaan bulshada “Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiinta ugu baaqay beesha caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay taageeraan umadda ay abaarta heyso isaga oo yiri “Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa”.

 

 

Dhamaad.

 

 

 

 

 

 

         

 

Ganacsato ka kala socota dalalka Turkiga iyo Sudan oo manta kulan la yeeshay mas’uliyinta sare ee Rugta Ganacsiga.

Ganacsato ka kala socota dalalka Turkiga iyo Sudan ayaa maanta xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga kulan kula yeeshay mas’uliyin sare ee Rugta oo uu hoggaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre”.

 

Ganacsatadan oo iskugu jira Turki iyo Suudaaniyiin ayaa waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkisa Mudane Cabdirahman Cabdullhi Aadan “Galambi”, waxaana warbixinno ku saabsan habsami u socodka howlaha Rugta Ganacsiga, u soo jeediyay qaar kamid ah howl wadeennada rugta iyagoo uga warramay fursadaha maal gashiga dalka, gaar ahaan fursadaha dhismooyinka, iyagoo faah faahin gaar ah ka siiyay dhanka warshadaha yar yare ee kaaba mashaaricda dhismaha oo ay ganacsatadaan shisheeye ay aad u daneynaayeen.

 

Masuuliyiintaani ayaa ahaay kuwa daney naayo maal gashiga dalka gaar ahaan dhanka warshadaha

soo saara qalabka guryaha iyo xafiisyada waxaana ay waddamada Turkiga, suudaan iyo wadama kuleeyahiin shirkaddo waaweyn. Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” ayaa yiri muhiimad gaar ah ayeey ino leedahay ka rug ganacsi ahaane waanu sodhawey heeynaa in kor u qaadida wax soorarka dalka in aad qayb kanaqataan.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan laqaatay Ganacsato ay hogaamineysa Rugta Ganacsiga

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre iyo qaar kamid ah wasiiradiisa, Hayadda musiibooyinka qaranka ayaa kulan laqaatay Ganacsato ay hogaamineysa Rugta Ganacsiga

 

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa hawla gurmadka abaaraha, iyo wax ka qabadka caqabadaha heysto waaxaha Bankiyada, Xawaaladaha, Beeraha, iyo Suuqyada. Waxaana ay ganacsatadu sheegen inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka abaaruhu sameeyeen.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS. ayaa warbixin uu kaga hadlaayo dadka abaaruhu sameeyeen ka jeediyay kulanka, iyo ilaa iminka gurmadka ay garsiiyeen magaalooyinka, sida Beledweyne iyo Buulo Burde, Baydhabo iyo Xudur.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo kulanka so xeray ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddiisu oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan ee soomaaliyeed.

 

 

Dhamaad.

 

 

 

 

Hay’adda Iftin Foundation oo cilmi baaris ku soo bandhigtay magaalada Mogadishu.

Hay’adda Iftin Foundation ayaa soo bandhigtay daraasad ku aadan ardayda 2021- ka qalinjebisay Jaamacadaha dalka, kuwaasi oo lagu sheegay in ay tiradoodu tahay illaa 20,250 arday. 7,812 tiradda hablaha waa, (38.58%). kana ah wadarta guud, 12,438 tirada Raga waa, (61.42%), kana ah wadarta guud. sidoo kale waxaa lagu muujiyay guud ahaan magacyada kulliyadaha ay ardaydaasi ka soo qalinjebiyeen, kuwaas oo gaaraya ilaa 27 kulliyadood.

Agaasime ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Prof Ciise M Xalane, oo kamdi ah masuliyiintii gobta ka hadlay ayaa bogaadiyay bandhigda daraasad waxaana uu hay’adda Iftin Foundation ku amaanay sida ay isku xil saareen iyo in ay sii tayeeyaan cilmi baarista ayna marka xiga diiradda saraan tayeeynta adeegyada jaamacaddaha.

 

Daraasadda ayaa lagu mujineysa in afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardeyda ugu badan ay kala yihiin:-

  1. Maamulka Hawlaha (Business Administration) sida Accounting, Human Resources, Banking & Finance) oo tirada ka soo baxday ay gaareyso 3,472 arday oo wadarta guud ka ah 17.15%.
  2. Nursing & Midwifery ooo ay ka soo baxeen 2,658 arday oo wadarta guud ka ah 13.13%.
  3. Maamulka Guud (Public Administration) oo ay ka soo baxeen 2,331 arday oo wadarta guud ka ah 11.51%.
  4. Computer Science (IT & BIT) soo ay ka soo baxeen 2,246 arday oo wadarta guud ka ah 11.09%.

Halka Afarta kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardayda ugu yar ay kala ahaayeen:-

  1. Journalism, Media and Mass Communication oo ay ka soo baxeen 5 arday keliya oo wadarta guud ka ah 0.02%.
  2. Xuquuqul Isnaanka (Human Rights), oo ay ka soo baxeen 8 arday oo wadarta guud ka ah 0.04%.
  3. Cilmiga iyo Daawaynta Ilkaha (Dentistry) oo ay ka soo baxeen 19 arday oo wadarta guud ka ah 0.09%;
  4. Barashada Dambiyada iyo Amniga (Criminology & Security Study) oo ay ka soo baxeen 38 arday oo wadarta guud ka ah 0.19%.

Sahanku wuxuu kaloo tilmaamay tirada gabdhaha iyo wiilasha ee kulliyad kasta si loo ogaado halka ay ku kala badan yihiin. Waxaana soo baxday in gabdhaha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah: –

Gabdhaha ugu badan waxay ka soo qalinjebiyeen afartan kulliyadood:-

  1. Nursing & Midwifery (2,167 gabdhood)
  2. Business Administration (1,037 gabdhood)
  3. Public Health (969 gabdhood)
  4. Medical Laboratory (751 gabdhood) \

Halka wiilasha ugu badan ay ka soo qalinjebiyeen afarta kulliyadood ee kala ah:-

  1. Business Administration (2,435 wiil)
  2. Computer Science & IT (1,867 wiil)
  3. Public Administration (1,624 wiil)
  4. Medical Laboratory (998 wiil)

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu xusay sida magaalooyinka dalka ay ugu kala tiro badnaayeen soo saaridda ardeyda soo dhameysay jaamacadaha. Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalada ay ka soo baxeen qalinjebiyeyaashii ugu tirada badanaa, waxaana Jaamacadaha Muqdisho ku yaala ka soo baxay arday gaaraysa 16,747 arday una dhiganta (82.70%), waxaana ku soo xigta magaalada Boosaaso oo soo saartay 2,038 oo u dhiganta 10.06%, halka magaalada ugu yar ee soo saartay ardayda ugu yar ay noqotay magaalada Marka oo ay ka soo qalinjebiyeen 15 arday  una dhiganta 0.07% oo keliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Iftin Foundation C/llaahi Maxamed Xasan ‘Black’ oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in daraasaddani hadafkeedu yahay sidii loo ogaan lahaa tirada ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka, aqoonta ay soo barteen, deegaannada ay ku nool yihiin, tirada wiilasha iyo gabdhaha. Sidoo kale waxay xogtani sahleysaa in la ogaan karo sida ay isugu dhigmaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira iyo tirada ardayda soo qalinjebisay ee shaqo doonka ah.

 

Dhamaad.