WAKIILO KA SOCDA URURKA WAX SOO SARKA DALKA TURKIGA OO KULAN LAQAATAY RUGTA GANACSIGA

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” ayaa xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga ku qaabilay, Wakiillo ka Socda Ururka wax Soosaarka dalka Turkiga, oo uu hogaaminaayo Guddoomiye ku-xigeenka Ururka mudane Fermanli, iyadoo ay weheliyaan mudane Kati oo ka socday Safaaradda Turkiga iyo mudane Kevrek, oo ka tirsan Ururka.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna ku-xigeenka Prof M Xalane, ayaa soo bandhigay guudmar ku saabsan qaybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo fursadaha iskaashi.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka mudane Fermanli ayaa ka mahad celiyay marti-gelinta Rugta Ganacsiga wuxuuna ballanqaaday ka Urur ahaan xoojinta xiriirka Rugta Ganacsiga. Dhanka kale waxaa uu ku dhawaaqay furitaanka xafiis cusub oo Ururka ay magaalada Muqadishu ka furan doonanan si loo taageero hawlaha socda.

Guddoomiye Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” oo kulanka soo xeray ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

https://somalichamber.so/

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/

https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI

https://twitter.com/somaliacci