Waxaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay Magaalada muqdisho munaasabad xil wareejin ah oo uu Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo warshadaha soomaaliyeed Mudane Yaasin Maxamud Ibar, kala wareegayay xilka Gudoomiyihii hore ee Rugta Mudane Maxamud C/Karin Cali (Gabayre).
Munaasabaddan xil wareejinta waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga XFS Mudane Jamaal,mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Agaasimeyaal, madaxda Sacter-da Rugta, Gudoomiyaasha Suuqyada Muqdisho, Ganacsato,iyo marti sharaf kale.
Wasiir Jamaal ayaa xilka u kala wareejiyey Gudoomiyihii Hore Gabeyre iyo Gudoomiyaha cusub ee Rugta
Gudoomiyihii Hore ee Rugta Ganacsiga, Gabeyre ayaa uga mahadceliyay Ganacsatada kalsoonidii ay siiyeen muddadii uu hoggaaminayay Rugta Ganacsiga iyo warshadaha soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay waxqabadkii iyo horumarka la gaaray intii uu xilka hayay. Sidoo kale, wuxuu u rajeeyay Gudoomiyaha cusub guul iyo in uu sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo adeegyada Ganacsi iyo wadashaqeyntii hey’adaha dowladda .
Ugu dambeyn Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga, Mudane Yaasiin Maxamud Cibaar, ayaa uga mahadceliyay Hoggaanka Rugta kalsoonida ay u muujiyeen, isagoo ballan qaaday inuu si hufan oo daacadnimo leh u gudan doono waajibaadka loo igmaday.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so




