Doorka Ganacsatada ee Hormarinta Dhaqaalaha Qaranka” oo ka dhacday Royale Hotel ee Magaalada Muqdisho

Work Attachments


Munaasabad ay ka qeyb galeen Ganacsatada qeybaheeda kala duwan oo ay hoggaaminayaan Mas’uuliyiinta Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo looga hadlaayay “Doorka Ganacsatada ee Hormarinta Dhaqaalaha Qaranka” oo ka dhacday Royale Hotel ee Magaalada Muqdisho

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaanno, iyo mas’uuliin kala duwan oo ka tirsan wasaaraddaha maaliyadda iyo ganacsiga oo ay kala hogaaminaayeen, wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, wasiir kuxigeenka, wasaaradda Ganacsiga iyo Maamulka Rugta Ganacsiga.

Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda qeybta miisaaniyada ayaa soo bandhigay miisaaniyada 2016-2021, waxaana uu falaqeeyn ka bixiyay heerarka ay soo martay iyo meelaha ay ku baxdo, isago soo bandhigay shaxda miisaaniyada wasaaradda.
Ugu dambeynti ayaa waxaa munaasabadda su’aalo lagu weydiiyay Mas’uliyniinta Wasaaradda Maaliyadda, Ganansiga, iyo Maamulka Rugta Ganacsiga, kuwaaso ka imaanayay Ganacsatada qeyb-baheeda kala duwan ee munaasabaada ka soo qeyb galay.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre) “waxaan jeclaan laheyn xariga in ay ka horeyso barista canshuuraha, Maanta mahaboona in qof ganacsi ufuran yahay in layiraahdo waa lagu xeray ama lagu handado aad ayeeyno ino dhibeysaa”ayuu yiri.