Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga ayaa kormeer howleed ku tagay dhismaha Waddada Kacaanka qaybta Cirtoogte

Work Attachments


Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga ayaa kormeer howleed ku tagay dhismaha Waddada Kacaanka qaybta Cirtoogte ee isku xirta is-goysyada Bakaaraha iyo Black Sea, oo ay dib u dhis ka wadaan Rugta Ganacsiga iyo Shirkadda Al-Buruuj. Waddadaas ayaa u xirnayd muddo ku dhow soddon sano burbur dartiis, iyadoo ay baahi weyn u qabeen ganacsatada suuqa Bakaraha.

Dhismaha waddada waxaa iska kaashaday Rugta Ganacsiga iyo shirkadda dhismaha Al-Buruuj iyadoo Rugta Ganacsigu ay muddooyinki dambe wadday howlaha dib u dhiska jidadka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Maxamuud Cabdi Cali ‘Gabeyre’ ayaa u mahad celiyay ganacsatadii gacanta ka gaysatay dhismaha waddooyinka, Guddiga Dib-u-Dhiska Waddooyinka ee Rugta Ganacsiga iyo Shirkadda Al-Buruuj.