XAFLADA XARIG JARKA WARSHADDA DHARKA SOO SAARTA EE ESQUIRE AFRICA

Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe”, oo uu wehliyo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Axmed-Shariif” ayaa manta ka qayb Xaflada Xarig jarka Warshadda Dharka soo saarta ee Esquire Africa. Shirkaddaani oo laga leeyahay dalka Bangladesh, ayaa Soomaaliya u xulatay in ay naqato Xarunta ugu weyn ee bariga geeska afrika. Munaasabaddaan oo ka dhacday Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdishu, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Xildhibaano, Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, qaar kamid ah ganacsatada dharka, iyo wakiilo ka socday shirkadda Esquire Africa.

Farxan Jeyte, oo ah Guddomiyaha shirkadde ee u qabilsan, Bariga Afrika ayaa ugu horeyntii ka warbixiyay wax qabadkeeda shirkadda Esquire Africa, “Bangladesh waa wadan soo saara dharka, shirkaddanina waxa ay ka mid tahay Shirkadaha ugu waweyn ee uu leyahay wadanka Bangladesh, waxa ay adeegyadeda garsiisa, wadamada America, Asia, iyo Manta oo an kuso birnay Suuqa Afrika, in kabadan 40 sano ayeey shirkadaani dharka kashaqey neysaa”.

Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane “Galambe”, oo kamdi ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeentii Shirkadda Esquire Africa, hanbalyo iyo soodhaweynba u diray, sido kalane usheegay in ay heestaan fursado waweyn, “Maalmahaan shirkado fara badan ayaa dalka imaanaayay, kuwaasi oo raba in ay ka fa’ideystaan kubiirista Soomaaliya ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, sido kalane arkaaya in Soomaaliya Deyntii laga cafiyay, iyo fir-fircoonida dadka Soomaaliyeed ay u leeyahiin dhanka Ganacsiga”.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci