XIRITAANKA SHIRKA GANACSIGA EE MASAR IYO SOOMAALIYA

Waxaa Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar lagu soo gaba gabeyay shirka Ganacsatada Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo socday muddo labo cesho ah. Waxaana ka qayb galay Ganacsato ka kala socotay labada dal, shirka ayaa waxaa diiradda lagu sarayay sidii la iskaga kaashan lahay hormarinta Ganacsiga labada dal iyo sidii la isku dhafsan lahaay arimaha hormarinta Ganasiga.
Dhamaan masuuliyiinti halkas gaartay ee ay hogaaminaayeen madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ayaa waxaa booqasho loo geyay goobaha waaweyn ee Ganacsiga dalka masar oo ay kamid yahiin, Warshadda Dharka, Electroniga, Baaburta, iyo Dakadda weyn ee Dalka Masar.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci