Hay’adda Tayo – dhawrka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaaladda Muqdishu ka daahfurtay astaanta tayada, taasi oo ah astaan lagu garanaayo Badeecadaha dalka, munaasabadani ayaa waxa daahfuray Maareeyaha Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed Xaawo Axmed Xasan “Waxaa guul ah in aan maanta daahfureyno Astaanta Tayada Badeecadaha”, munaasabadda ayaa waxaa kaso qayb galay Ganacsato kala duwan oo ay hogaaminayaan Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Prof Dr Ciise M Xalane, oo ku hadlayay magaca Rugta iyo Guud ahaan Ganacsatada ayaa soo dhaweyay Astaanta Tayada Badeecadaha, waxana uu sheegay waqtigi loobah naay in ay kuso aaday.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci













