Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo qaban qaabisay madal looga hadlaayay “Fursadaha iyo Caqabadaha Ganasi ee dayn Cafinta iyo ku biirista Suuqa Bariga Afrika” waxaana kaso qayb galay masuuliyiin kasocotay Waaxaha Rugta Ganacsiga, Gudiga Dhaqaalaha Qaranka, iyo bulshada qayba heeda kala duwan.
Masuuliyiinta Gudiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay warbixino ku aadan herarka laga soo maray Dayn Cafinta iyo Ku-biirista Suuqa Bariga Afrika; sidookale waxa ay carabka kudhufteen Fursadaha ku biirista Suuqa Bariga Afrika uu uleeyahay guud ahaan dalka gaar ahaan ganacsatada, waxaana ay sheegeen qaybaha ay tahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay xooga saran hormarintooda, si ay uga faa’ideystaan ku biirista Suuqa Bariga Afrika.
Dr kamaludiin oo kamid ah Masuuliyiinta Gudiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa sido kale ku xeel dheeraaday ka-hadalka faa’iidoyinka Suuqa Bariga Afrika iyo cab-siyadda ay dadka Soomaaliyeed oo ay kamid yahiin ganacsatada kaqabaan, asaga oo carabka kudhuftay in uu jiro sharci iyo isteebyo ay tahay in lamaro.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyr” oo kulanka soo xeray ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ayagu marka hore midooban ayna dib u-habeeyn ku sameeyaan ganacsiyadooda, si ay ula jaan qadaan ganacsigayada aan ku-biirnay ee Suuqa Bariga Afrika.







