Wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, oo iskugu jira Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug, iyo SSC Khaatumo oo ay sidoo kale la socdeen, Guddoomiyeyaasha Rugaha Ganacsiga Dowlad Gobeleedyada, ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda dawladda Jubaland halkaas oo lagu daahfuri doono dawlad goballeedkii ugu horreeyey ee Wasaaraddu gaarsiiso hanaanka diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya.
Dhanka kale Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali โGabaireโ oo ay wehliyaan, Gudoomiy Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga ahna Madaxa xariirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga. Mudane Cabdirashiid Cali Caynaanshe. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Koonfur, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Hirshabeele, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug, iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Prof Ciise Maxamuud Xalane. Ayaa waxaa soodhaweyn balaaran u sameyay Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Jubalan ahna Xog hayaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Xuseen Raabi Kaahin.
Wafuudaani ayaa magaalada kismanyo u tagay sidii ay ugu qayb qadan lahaayen, furitaanka shirka Hirgelinta hanaanka casriga ah ee diiwaangelinta Ganacsiga Soomaaliya oo soo maray marxalado kala duwan, Hanaankan casriga ah, ayaa ganacsatada u suurtogelinaya inay Shirkadahooda Ganacsi ku diiwaangashan karaan hab casri ah oo onlayn ah iyaga oo jooga xafiisyaddooda taas oo kor u qaaday horumarkii iyo fududeynta ganacsiga wadanka, dakhli abuurka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci










