Somali Chamber of Commerce and Industry

BANDHIGA WAX QABADKA LABADII SANO EE LASO DHAFAY EE XUKUMADDA DAN QARAN

Munaasabad lagu mamuusayay wax qabadka Xukuumadda Dan Qaran ayaa Magaaladda Muqdisho lagu soo bandhigay, waxaana kaso qayb galay Madax-weynaha dalka, Guddoomiyaha Barlamaanka, Golaha Wasiiradda Xukuumadda Dan Qaran, oo uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha dalka, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan Mamulka Sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Bulshadda qaybaheeda kala duwan. Munaasabadaani ayaa lagu soo bandhigay wax yaabihii u-qabsoomay labadii sano ee laso dhafay.

Munaasabadda ayaa waxa kalmado dhaxal gal ah ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mundane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo kamid ah madaxda goobta ka hadashay ayaa yiri “Waxaan soo dhaweyneynaa wax yaabihi u qabsoomay labadi sano ee laso dhafay, iyo horumarka ay gaartay xukuumadda Dan Qaran, sido kale waxa uu bogaadiyay qaraarkii 21 bishaan kaso baxay Xukumadda Dan qaran ee ka koobnay 5qodob, kuwasi oo Mamulka Rugta Ganacsiga ay horay ugu gudbiyeen Wasaaradda maaliyadu, ugu danbeyne ay Xukumadda Dan Qaran Meel marisay”.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci