Waxaa Manta Magaalada Moqadishu lagu qabtay xaflad lagu daah-furaayay Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, waxaana xafladda kaso qayb galay marti sharaf kala duwan oo ka kala timid gudaha dalka iyo wadamada dariska ah, Xildhibaano, Wasiir ku-xigeenno, Agaasimayaal, Guddoomiyaha Midowga Suuqyada Saamiyada Afrika (ASEA), ahna Maamulaha Suuqa Saamiyada Rwanda ๐๐ซ. ๐๐๐ฅ๐๐ฌ๐ญ๐ข๐ง ๐๐ฐ๐๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฆ๐๐, Maamulaha Suuqa Saamiyada Neyroobi Mudane ๐ ๐ซ๐๐ง๐ค ๐๐ฐ๐ข๐ญ๐ข, iyo Ganacsato uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali โGabayreโ.
Dhamaan masuuliyiinta goobta ka hadashaya ayaa soodhaweeyay furitaanka Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, waxaana ay carabka kudhufteen muhiimadda uu Soomaaliya iminka u leeyahay. Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed โNSESโ Mudane Yasin M. Ibar oo xafladda daahfuray ayaa ugu horeynti ka hadlay ujeedada loo as aasay Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed iyo faa,idooyinka uu guud ahaan Ganacsiga Soomaaliyeed uu uleeyahay.
Maamulaha Guud ee Shirkadda Hormuud Telecom Mudane Axmed Maxamed Yuusuf โAxmedsacuudiโ ayaa soo dhaweeyey daahfurka Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed โSuuqa Saamiyada Soomaaliyeed Waxaan rajeeynaaya in uu naqdo waa cusub, oo lagu xisaabtamo mustaqbalka, sifiicane looga faaโideysan doono, Ganacsi Soomaaliyeed iyo dariskaba calaamad unaqan doono ayaan rajeeynaayaa.โ
Ugu dambeyn Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali โGabayreโ oo kamid ah masuuliyinta goobta ka hadashay ayaa hambalyo iyo soo dhaweeyn kadib waxaa uu yiri “Suuqa Saamiyada Soomaaliya waxa uu dalka kusoo kordhin doonaa maalgashi badan oo kaga imaanaya dibadda, gaar ahaan qurbojoogta iyo maalgashadayaasha.”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/
@somaliacci
https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/
https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/
https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI
https://twitter.com/somaliacci