Aqoon Is Waydaarsiga Horumarinta Iyo Dhammaystirka Istraatijiyada Rugta 2025-2029

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta iyo dhammaystirka istraatijiyada Rugta ee 2025-2029.

Aqoon is waydaarsigan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah hay’adaha dawladda, bulshada rayidka, iyo dhammaan rugaha maamul goboleedyada, ayaa lagu lafa guray qaabka ugu habboon ee qorshaha Rugtu ula jaanqaadi karo Qorshaha Isbadalka Qaranka 2025-2029.

Guddoomiye ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdirashiid Cali Caynaanshe oo daahfuray shirka ayaa faahfaahiyay muhimadda uu qorshuhu u leeyahay ganacsatada, marka la eego dhanka horumarinta dhaqaalaha dalka, shaqo abuurka iyo la dagaalanka faqriga.

Sidoo kale waxaa madsaha goobjoog ka ahaa Mudane Farid Hegazy oo ah mas’uul ka tirsan hay’adda ILO oo ka hadlay in loo baahan yahay in qorshuhu mudannata siiyo hufnaanta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci