Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa wadatashi lasameysay qaybo kamid ah Heyβadaha Dowladda, kuwa Dowlad-Goboleedyada, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, si ay ugu biiriyaan raβyigooda ku aaddan diyaarinta miisaaniyadda Dowladda ee 2025. Munaasabadaani ayaa lagu qabtay hotelka maaida ee magaladda Muqdisho.
Masuuliyiinta kulanka kasoo qayb gashay ayaa suβaalo ku aadan Dakhliga Dowladda, Canshuur uruurinta, hoos u daadajinta adeegga Dowladda ee Bulshada, waxa ay hordhigeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo xubnihii kale ee matalaayay Wasaaradda Maaaliyadda.
Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam βGalambeβ, ayaa soo dhaweyay wadatashiga Wasaaradda Maaliyadda ay la sameneysay Bulshadda qeyba heeda kala duwan, βDowladnimada Soomaaliya waxa ay soomartay heerar kala duwan, mantana waxa ay mareysaa in bulshada laga talagaliyo adeegyada iyo hormarinta ay ubaahan yahiin, waana horumar laga gaaray dhanka dowladnimada Soomaaliyaβ.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
Β Β Β Β