Somali Chamber of Commerce and Industry

SODHAWEYNTA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE BULSHO DEVELOPMENT BANK

Bangiga cusub ee Bulsho Development Bank ayaa soodhaweyn u sameeyay Dr Cusman Cali Cadde “Xalane” oo naqday Gudoomiyaha cusub ee Bangiga, lehna 15 sano oo ka shaqeyn Bankiyada dalka ah. Munaasabaddani oo aheed mid herkeedu sareeyo ayaa lagu qabtay hotelka Pearl Beach ee magaalada Muqadishu, waxana kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiro, saraakiil Ciidan, iyo Ganacsato ay hogaaminaayaan Mamulka Sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa Dr Cusman Cali Cadde “Xalane” ku amaanay shaqooyinka iyo horumarada uu kaso sameeyay Bangiyadii hore uu ula sooshaqeyay, ayna ka filayaan in uu Bangigan cusub ee Bulsho Development Bank in uu horumarin doono.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo kamid ah masuuliyiinta Gobta kahadashay ayaa ugu horeeyn u hambalyey Guddonka Cusub ee Bulsho Development Bank, “Qabiir waayo badan usoo joogay hogaaminta bankiyada waa ugu hambalyeynayaa in ay Bulsho Development Bank doorato inuu hogaamiyo, waxaana rajeynayaa in uu horumar iyo isbadal ka sameyn doono dhanka wax soosarka Dalka”

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci