Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo Bandhigay Mashruuca Nagaad wajigiisa 1aad, Mashruucaani ayaa ah mid lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) iyo Wax-qabadka howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganasiga Jubbaland ahna xog heeyaha guud ee Rugta Ganacsiga, Midowga Bangiyada dalka, iyo Madaxda Hey’adda UNOPS, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad uso dhaweeyay asaga oo sheegay ahmiyadda ay Magaalada Muqdisho u leedahay in xal waara loo helo maareynta biyo-mareenada, taasi oo hortebin u leh madaxda qaranka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
















