Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa manta magaaladda kismaanyo ee caasimadda Jubaland ka daah-furtay, Hanaanka Diiwaangalinta Ganacsiga Soomaaliyeed, munaasabaddani ayaa waxa ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad goballeedyada dalka, Xildhibbaano katirsan Dowladd Goboledka, Jubaland, Guddomiyaasha Rugaha Ganasiga Dawlad goboledyada oo uu hogaaminaayo Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Dowlad goboledka Jubaland, bulshada rayid ah iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dawlad Goboleedka Jubaland Mudane Abdikadir Haji Mohamed, ayaa si wada jira ah u-furay, Hanaanka Diiwaangalinta Ganacsiga Soomaaliyeed, Hanaankan, ayaa wax weyn ka taraya fududeynta ganacsiga dalka, waxaana uu qofka ganacsadaha ah u fududeyn doona in isaga oo xafiiskiisa jooga uu si onlayn ah ku diiwaangashan karo ganacsigiisa. hanaankan oo markii hore ku koobnaa heer Federaal, ayaa wuxu Jubaland siin doonaa fursad kale oo iyaguna ay ka qaataan doorkooda diiwaangelinta ganacsiyada.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali โGabaireโ ayaa ugu horeyntii soodhaweyay, Hanaanka Diiwaangalinta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku kala sugan dunida dacaladeda ay u fududeyn doonto inney qataan Shatiga wasaaradda Ganasiga Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci