Somali Chamber of Commerce and Industry

Mayor St. Louis Park Naadiya Maxamed, oo Booqatay Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre), oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenada iyo agaasimaha guud ayaa maanta xarunta Rugta Ganacsiga ku qaabilay Naadiya Maxamed, oo ah Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota, dalka Mareykanka, isla markaana booqasho ku timid magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Gabeyre ayaa uga mahadceliyey Naadiya booqashada ay ku timid Rugta Ganacsiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in qurba-joogta Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan dhiirrigelinta maalgashiga dalka iyo kobcinta ganacsiga, maadaama ganacsigu uu laf-dhabar u yahay horumarka dhaqaalaha iyo baraaruga bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Naadiya Maxamed ay tusaale u tahay kartida, dadaalka iyo hoggaaminta ay qurba-joogta Soomaaliyeed ka muujiyeen dalalka ay ku nool yihiin, taas oo muujinaysa awoodda iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo kobcinta xiriirrada caalamiga ah kuna dhiirrigeliyey in la sii xoojiyo xiriirka ganacsi iyo iskaashiga u dhexeeya qurba-joogta Soomaaliyeed iyo ganacsatada dalka, si looga wada shaqeeyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya.
Dhankeeda, Naadiya Maxamed ayaa si weyn u ammaantay shaqada iyo doorka muhiimka ah ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ka qaadato horumarinta ganacsiga dalka. Waxay sidoo kale bogaadisay xiriirka qotada dheer ee Rugtu la leedahay hay’adaha iyo ganacsatada Mareykanka, iyadoo ballanqaadday inay sii xoojin doonto iskaashiga ganacsi, maalgashi iyo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

WAKIILO KA SOCDA URURKA WAX SOO SARKA DALKA TURKIGA OO KULAN LAQAATAY RUGTA GANACSIGA

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” ayaa xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga ku qaabilay, Wakiillo ka Socda Ururka wax Soosaarka dalka Turkiga, oo uu hogaaminaayo Guddoomiye ku-xigeenka Ururka mudane Fermanli, iyadoo ay weheliyaan mudane Kati oo ka socday Safaaradda Turkiga iyo mudane Kevrek, oo ka tirsan Ururka.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna ku-xigeenka Prof M Xalane, ayaa soo bandhigay guudmar ku saabsan qaybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo fursadaha iskaashi.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka mudane Fermanli ayaa ka mahad celiyay marti-gelinta Rugta Ganacsiga wuxuuna ballanqaaday ka Urur ahaan xoojinta xiriirka Rugta Ganacsiga. Dhanka kale waxaa uu ku dhawaaqay furitaanka xafiis cusub oo Ururka ay magaalada Muqadishu ka furan doonanan si loo taageero hawlaha socda.

Guddoomiye Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” oo kulanka soo xeray ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

https://somalichamber.so/

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/

https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI

https://twitter.com/somaliacci