Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed ayaa lakulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo uu wehliyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif”
Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa ugu horeyntii waxaa ay warbixin ku aadan dhibaatada fatahaaduhu ay ka geysteen wadada isku xerta Afgoye iyo Wanla-Weyn ka dhageysteen Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed.
Wadada isku xerta Afgoye iyo Wanla-Weyn ayaa waxaa saameyn ku yeeshay fatahaado, taasi oo qayba kamid ah uu soo gaaray bur-bur xoogan, Guddiga Gaadiidleyda ayaa sheegay muhiimada ay wadadaasi u leedahay isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga, u kala goosha Gobolka Banaadir iyo gobolada konfureed.
Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa uxil-saaray gudi ka kooban maamulka gaadidleyda Soomaaliyeed iyo ganacsto kasoo tala bixisa baaxadda bur-burka wadada, iyo shirkaddii loo xilsaari lahaa dhismaha wadadaasi. Waxaana iska kaashan doonaan gudiga gaadiidleyda, Ganacsato muxsiniin ah iyo hay’adda mareynta musiibooyinka qaranka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci










