Somali Magazine ayaa ku dhawaaqday shaqsiyaadka ugu saameenta badan Soomalida 2023

Liiska Shaqsiyaadka ugu sameynta badnaay sanadkii 2023 ayaa waxaa ka mid ah Ganacsato sameyn weyn ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed, oo uu kamid-yahay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” waxaa uu sanadkaasi ku howlanaay horumarinta xiriirka ganasatada, horumarinta wax soosarka dalka, iyo isku xirka xiriirka Ganacsiga gudaha iyo dibadda, waxaana uu wax weeyn ka qabtay sanadkii 2023. Sido kale waxaa kamida liiska 100 qof ee ugu sameynta badneed, Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Telecom, mudane Axmed Maxamuud Yuusuf, “Axmed-sacuudi”oo guula waweyn ay shirkadiisu ka soo hooysay caalamka. Iyo ganacsato kale kuwaasi oo horumar lataaban karo ka gaaray dhanka Ganacsiga, ayaa ka mid-naqaday liiska 100 qof ee ugu sameynta badan 2023.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci