Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa manta daah furay Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, munaasabadaani ayaa waxaa so qaban qaabiyay Wasaaradda kalluumeysiga & dhaqaalaha buluugga ah, Soomaaliya, waxaana kaso qayb galay Xildhibaano, qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, iyo Ganacsaato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Hamza Abdi ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna, waxana uu tilmaamay in Xukuumaddiisu ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Abdi Abshir Dorre, oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa Sheegay Caqabadaha heysta Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo sida loogga gudbi karo Caqabadahaasi.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci












