Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” ayaa manta ka qayb xafladda daahfurka shirkadda XCMG iyo wakiilkeeda Soomaaliya ee shirkadda Smart Group, oo dalka keenaysa qalabka iyo gaadiidka waaweyn ee loo adeegsado dhismaha wadooyinka, dekadaha iyo horumarinta wax soosarka beeraha.
Munaasabaddaan oo ka dhacday magaladda Muqdisho gar ahaan Hotelka Afrik, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga XFS, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Xildhibaano, Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Madaxda ururadda Bangiyadda, Wakiilo ka socday shirkada XCMG ee dalka Shiinaha, iyo Aqoonyahano
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo kamdi ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeyntii u hanbalyeeyay, heshiiska Shirkadda Smart Group, ay lagashay shirkadda XCMG, oo ah shirkadda 3aad ee weyn Calamka, dhanka wax shoosarka birta culus, “Qalabkaan manta la soo bandhigay baahi weyn ayuu dalku uqabaa, hadeyn naqato Beer, hadey naqato waddoyin, qalab kaani waa qalb muhiim ah”.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci


















