๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฑ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐‡๐š๐ฒ’๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo qabanqaabisay kulan wadatashi oo muhiim ah kaas oo looga hadlay Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 โ€“ 2029). Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay masโ€™uuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Ganacsato ay hogaaminayaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Ujeedka kulanka ayaa ahaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay si toos ah uga qeyb qaataan diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran, gaar ahaan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha.

Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali โ€œGabaireโ€ oo kamid ah masuuliyiinta kulanka kahadashay ayaa ugu horeynti soo dhaweeyay kulanka wada tashiga ee ay Wasaaradda Qorsheynta soo qaban qaabisay, asaga oo raaciyay in kulamadda wada tashiga Ganacsatada iyo Dowladda u-dhaxeeya uu mar waliba muhiim u yahay hormarka dalka, โ€œwaaxaha manta laga tashanaayo, waa kuwa malgashiga dalka ugu muhiimsan, waana kuwa dalku uu kutirsan yahay waxaa ay wax weyn kabadalayaan, shaqa abuurka, iyo dhaqaalaha dalkaโ€ Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furay kulanka wada tashiga Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 โ€“ 2029).

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
ย  ย ย  ย