XAFLADDA DHAGAX DHIGA XAAFADA XEEBTA LUULKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha xaafada xeebta luulka, oo ay si wada jir ah iskaga kaashanayaan shirkadaha, Mariina Beach, Bulsho Development Bank, iyo shirkadda Al Asab. Waxaana kaso qayb galay, Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ganasato ay hogaaminayaan Madaxada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Guddoomiyaha Shirkadda Mariina Beach, Marwo Liin Hassan ayaa sheegtay in mashruucaan dhismaha Xeebta Luulka hadii uu dhismo uu waji kale uyeelaayo dalka. Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Shirkadda Al Asab Mr Burhaan, ayaa dhankisa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bilaabi doonan wajiga koobaad ee mashruuca dhismaha Xeebta Luulka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan Ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani. Madaxweynaha ayaa shahaaddo sharaf Gudoonsiyay Agaasimaha Guud ee shirkadda Al Asab, oo ay wehliyaan shirkadaha Adnan Safari Office iyo Matrix Partnership, kuwaasi oo kala qaabilsan naqshadeynta dhulka iyo Master planning ka guud.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa dhankiisa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay gali-jireen mashruucyo yar-yar balse ay hadda bilaabeen mashruucyo waweyn oo uu ugu horeeyo mashruucaani.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci