XARIG JARKA XARUNTA DARYEELKA DHAAWACYADA IYO XAALADAHA DAG DAGGA AH

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo dadka ku wax-yeellooba musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyeen oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaalka weyn ee Madiina. Xaruntaan ayaa waxaa dhisma heeda taaba galiyay Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Golo Wasiiro, Ganacsato, Culumaa’udiin, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ka ah.

Munaasabaddaani oo aheed mid herkeedu sareeyo ayaa waxa kaso qayb galay, Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Barlamaanka, qaar kamid ah Golaha wasiirada oo uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane. Xamsa Cabdi Barre, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan Madaxda sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa umahad celiyay Guddiga Gurmad Qaran, wax qabadka ay sameeyeen, “Guddiga ka Ganacsato ahaan waxaan ku laheen 4xubnood oo ah kuwa ugu waweyn, ahna kuwa madaala yaal ah, una taagan dardar galinta howlaha Gudiga, siido kale ka Ganacsato ahaan waxaan u mahad celiheyna Hey’adda SODMA Somalia, oo qeyb weyn ka qaadatay howlaha gudiga.
Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo munaasabadda soo xeray ayaa ugu horeeyn u mahad celiyay Guddiga Gurmad Qaran, sida ay u maareeyeen dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed isugu gurmadeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu hirgalisay xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta kaydka dhiigga oo markii ugu horreysay dib loo hawlgaliyey iyadoo lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, Xarunta gurmadka xaaladaha deg-degga ah iyo dhismayaasha xarumaha kala duwan ee caafimaadka, wuxuuna adkeeyay inay ka go’an tahay dhamaystirka dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka xoogga dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci