Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed waxa ay ka qeyb gashay kulammo ay hoggaaminayeen UNCTAD iyo WTO, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga elektaroonigga ah (e-commerce), ilaalinta macaamiisha, badqabka badeecadaha, iyo sharciyada caalamiga ah ee hagaya ganacsiga elektaroonigga ee xuduudaha ka gudba.
Kulamadaan ayaa Rugta Ganacsiga Waxaa Ku Matalayey prof.Dr Mohamed Hassan Tifow, iyadoo la tixraacayo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Badqabka Badeecadaha Macaamiisha ee la ansixiyey 15 Diseembar 2025.
Kadib waxa Ay Rugta Ganacsiga ka qeyb gashay Shirar ka dhacay Belgrade, Serbia, halkaas oo aan kula kulannay Ururka Ganacsiga ee Balkans (BeCA) iyo ururrada e-commerce ee dalalka gobolka.
Guud ahaan, socdaalkani wuxuu bixiyey faham qoto dheer oo ku saabsan sida loo dhiso nidaam sharci, mid maamul iyo iskaashi u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay si loo horumariyo ganacsiga elektaroonigga ah.
