Somali Chamber of Commerce and Industry

Mayor St. Louis Park Naadiya Maxamed, oo Booqatay Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre), oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenada iyo agaasimaha guud ayaa maanta xarunta Rugta Ganacsiga ku qaabilay Naadiya Maxamed, oo ah Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota, dalka Mareykanka, isla markaana booqasho ku timid magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Gabeyre ayaa uga mahadceliyey Naadiya booqashada ay ku timid Rugta Ganacsiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in qurba-joogta Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan dhiirrigelinta maalgashiga dalka iyo kobcinta ganacsiga, maadaama ganacsigu uu laf-dhabar u yahay horumarka dhaqaalaha iyo baraaruga bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Naadiya Maxamed ay tusaale u tahay kartida, dadaalka iyo hoggaaminta ay qurba-joogta Soomaaliyeed ka muujiyeen dalalka ay ku nool yihiin, taas oo muujinaysa awoodda iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo kobcinta xiriirrada caalamiga ah kuna dhiirrigeliyey in la sii xoojiyo xiriirka ganacsi iyo iskaashiga u dhexeeya qurba-joogta Soomaaliyeed iyo ganacsatada dalka, si looga wada shaqeeyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya.
Dhankeeda, Naadiya Maxamed ayaa si weyn u ammaantay shaqada iyo doorka muhiimka ah ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ka qaadato horumarinta ganacsiga dalka. Waxay sidoo kale bogaadisay xiriirka qotada dheer ee Rugtu la leedahay hay’adaha iyo ganacsatada Mareykanka, iyadoo ballanqaadday inay sii xoojin doonto iskaashiga ganacsi, maalgashi iyo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.