Events
Madasha 7-aad ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee Siyaasadda Soomaaliya
Hay,adda Siyaasadda dhaqaalaha Qaranka “National Economic Council (NEC) ayaa qabatay, madasha 7aad ee golaha dhaqalaha qaranka, munaasabadda ayaa waxa furay Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Waxaana kaso qayb galay, Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka, Wasiiro, Safiirka dalka Talyaaniga, Madaxa hey,adda WFP ee Soomaaliya, iyo Ganacsaato ay hogaaminaayaan madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” Ku biiristii EAC, waxa ay Ganacsatadeena u badashay in ay ku saleeyaan ganacsigooda cilmibaaris. Hadda waxii ka danbeeyo Ganacsatadeenu waxa ay ujeesan doonan sidii lo hormarin lahaay wax soo saarka dalka si dhaqaalaha kor loogu qaado.
















XAFLADDA GUULEYSTA YAASHA SOMALIA BUSINESS AWARD 2024
BANDHIGGA WAJIGA 1AAD NAQSHADEYNTA BIYAHA MAREENADA MAGAALADA MUQDISHU
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo Bandhigay Mashruuca Nagaad wajigiisa 1aad, Mashruucaani ayaa ah mid lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) iyo Wax-qabadka howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.
XAFLADDA FURITAANKA MAKITA
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝐤𝐚
GANACSATADA DHOOFKA IYO SOO-DAJINTA OO USOO CABTAY RUGTA GANACSIGA
GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA OO LA KULMAY XUBNO KATIR XOOLALEYDA DALKA











Wasiirka Wasaaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashiid Haji Abdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda XFS Xildhibaan Osman Mohamed Abdi(Daallo), oo ay wehliyaan Gudiga Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BFS, ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku qaabilay qaar kami ah Ganacsatadda Dhoofka iyo Soodajinta ee Gobolka Banaadir oo ay hogaaminayaan Goddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyasha Suuqyada.
Ganacsatadaani ayaa Wasiirka Wasaaaradda Ganacsiga la wadaagay culeesyo ay kamid yahiin wacyi galin la’aanta dhanka dowlada ee canshurta 5% ah, iyo culees yada kajira kala dugnaasha ha dhanka Canshuraha Dakadaha dalka, iyo meel marinta sharciyagii 21 Agoosto 2024 kaso baxay Golaha Wasiirrada XFS. Sido kale Ganacsatadaani ayaa sheegtay in ay yahiin kuwa kadii wan gashan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ayna garab taagan yahiin, ayaga oo ah kuwa Canshuur iyo Deeq bixiyaal intaba iskugu jira, hadana ay Canshuurta in ay bixiyaan diyaar uyahiin.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashiid Haji Abdi, oo dhagaystay dhammaan cabashooyinka ay qabeen Ganacsataddu, ayaa wuxu balan qaaday in ay ka dawlad ahaan wax ka qaban doonaan tabasho kasto ay qabaan Ganacsatadda Gobolka Banaadir loona baahan yahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta Ganacsatadda iyo dowladda.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://lnkd.in/eqWvWFUb
@somaliacci
https://lnkd.in/eNmXCiXD
https://lnkd.in/eKwPsET5
https://lnkd.in/dMdjn3Yh
https://lnkd.in/dhpBDUe9